WASIIR KU XIGEENKA OO SOO XIRAY TABABAR

 

 

WASIIR KU XIGEENKA MUDANE IBRAHIM QOOSHOW

Wasiir ku xigeenka Ahna kusimaha wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane ibraahim Qooshow, ayaa ka qeyb galay Gabo-gabada tababar uu soo qaban qaabiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland, Oo socday muddo 9 maalmood ah.
Tababarkan oo loo qabta Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka Maaliyada iyo Saraakiisha waaxyahaas Ee Xarumaha Dowlada Jubbaland.
Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hanaanka Maaraynta Maamulka Maaliyadda Iyo shaqaalaha xarumaha Guud ahaan dowlada Jubbaland.
Tababarkan Oo uu Goob joog ka’ ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi, ayaa ku soo dhamaaday si Guul ah.

AGAASIMAHA GUUD MUDANE CABDI RAABI

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀D
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: mole@jubalandstate.so
Previous KULANKA BILLAHA EE ISKU-DUWIDA ILAALINTA BULSHADA

Leave Your Comment