- MONTHLY SOCIAL PROTECTION CLUSTER MEETING
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shirka billaha ah ee iskuduwidda hawlaha ilaalinta bulshada, kaas oo ay ka soo qeyb galeen hey’adaha kala shaqeeya wasaaradda mashaariicda ilaalinta Bulshada.
Shirka oo uu guddoomiyay Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hey’adaha iyo wasaaradda, loona dardar-gelin lahaa mashaariicda ilaalinta bulshada ee ka socda deeganada jubaland.
Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay Warbixinno ku saabsan mashaariicda socda iyo heerarka ay marayaan.
Caqabadaha jira ee hay’adaha iyo wasaaraddu kala kulmaan fulinta mashaariicda.
Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda Mudane Candirixiin Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku booriyay dhammaan hey’adaha ka qeybgalay Shirka in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo ilaalin bulsho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana gaara dhammaan dadka u baahan.
Gabo-gabadii Shirka ayaa la’isla qaatay in si joogto ah dabagal loogu sameeyo fulinta mashaariicda si loo hubiyo in qorshayaasha iyo ballanqaadyada la gaadhay ay si dhab ah u hirgalaan.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: mole@jubalandstate.so
