
Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland, Oo uu Hogaaminayo Agaasimaheeda Guud Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi, ayaa qabatay Tababar ku saabsan Istiraajiyadda Ilaalinta Bulshada Iyo Shuruudaha Tixraaca Ee waaxda Ilaalinta Bulshada.
Tababarkan Oo lagu marti Qaaday Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Qorshaynta iyo Howl wadeeno ka kala socda Wasaaradaha Qaar, Hey’adda Baraka Qoxootiga, Dowladda Hoose Ee Kismaayo iyo Hey’adaha kala duwan Ee ka shaqeeya Ilaalinta Bulshada Sida “Alight,
NRC,WRS, GIZ, WFP iyo JUCRI•
Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Oo ku howlan Ilaalinta Badqabka Bulshada, ayuu qorshahu yahay diyaarinta istiraatiijiyada Ilaalinta Bulshada Shanta sano Ee Soo socota 2025-2029.
Dhamaad……..
Xafiiska Warbaahinta iyo xariirka dadweynaha.
Website: Molsajl.so
E-Mail: mole@jubalandstate.so