KORMEER SHAQO OO KU SAABSAN MASHRUUCA ( SEPOW)

Kormeer dowladeed oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA) Mudane Cabdi Candulaahi Raabi, isla markaana ay kala qeyb galeen daneeyayaal muhiim ah iyo wasaaradaha kala ah MOPIC, Waxbarashada, Ganacsiga, Haweenka, JUCRI, iyo maamulka Degmada, ayaa ka dhacay magaalada Kismayo. Kormeerkan waxa uu diiradda saarayay laba goobood oo ay ka socoto tababarka Horumarinta Ganacsiga iyo Ka Qaybgalka Dhaqaalaha Ka hor inta aan la bilaabin tababarka ganacsiga. kooxda la beegsanayo (ka-faa’iideystayaasha SEPOW) waxay ka qalinjabiyeen barnaamijka akhriska Farta Soomaaliga iyo xisaabta. Barnaamijkan oo socday lix bilood waxaa hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo ay kormeeraysay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada (MoLSA). Ka-faa’iideystayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya dhammeystirkooda barnaamijka akhriska iyo xisaabta. Ujeeddada ugu weyn ee kormeerkan waxay ahayd in la qiimeeyo xaaladda hadda jirta ee ka-faa’iideystayaasha Mashruuca SEPOW, Taabba Galintiisana ay leedahay Hey’adda GIZ. Intii uu socday booqashada kooxda howl wadeenada waxay tageen dugsiyada KPT iyo Horyaal, halkaas oo ay kula kulmeen ka-faa’iideystayaal badan isla markaana ay indha-indheeyeen horumarka barnaamijka. SEPOW, Waa Mashruuc Danyarta Noloshooda hoosaysa oo tiro ahaan Gaaraya 470 Qoys loogu adeego illaa ay gaaraan nolol isku filnaan, waxaana Gacan libaaxle ka gaysanaysa GIZ.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃 __________________________________________ Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland. Website: molsajl.so Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland Email: mole@jubalandstate.so

Previous TABABARKA KA HORTAGA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA

Leave Your Comment