Agaasimaha MoLSA Abdi Abdullahi Raabi oo soo dhaweyyay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo wasaaradda Gar-gaarka iyo maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland, ayaa si wada jir ah Magaalada Kismayo ugu soo dhaweeyay wafdi ka socda Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland Ee loo soo gaabiyo(SDC), iyo Labo Xubnood oo ka socda Xunta dhexe Ee Switzerland.
Socdaalka Wafdiga iyo Bah-Wadaagtooda Sida NRC iyo ACTED, Ee Magaalada Kismaayo ayaa Xambaarsanaa u kuurgalidda Xaaladaha Bini’aadanimo iyo Tan Bulsho.
Iyadoo uu Goob joog ahaa Wasiir ku xigeenka wasaarada Gar-gaarka isla markaana qaabilay Wafdiga ayay Agaasime-yaasha labada wasaaradood warbixino ka siiyeen Xaaladda nololeed iyo Bulsho ee u baahan Garab istaaga.
Madaxda ka socda Dowladda Switzerland iyo Xubanaha la socda ayaa si gaar ah u Danaynaya sidii ay wax uga ogaan lahaayeen Hanaanka mudnaanta istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada (MoLSA) iyo sida loo hirgeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada ee ka socda dowlada Jubaland. iyadoo Wasaaraddu ku Dadaalaysa Sidii loo midayn lahaa Mashaariicaha ku saabsan Arimaha Bulshada looguna samayn lahaa Hanaan Hufan oo Dheelli tiran.
Jubaland oo u nugul Xaaladaha isbadallada Cimilada sida Fatahaadaha ama abaaraha, ayaa isku diyaarinaysa sidii ay uga jawaabi lahayd Filashada saadaasha Ee ah bad baadinta shacabka haddii ay saameeyaan fatahaadaha nagu soo wajahan iyadoo wax badan laga bartay kuwa horay u saameeyay shacabka ka agdhow nawaaxiga webiga Jubba.
Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, iyo wasarada gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka ayaa aad ugu howlan sidii Bulshada Nugul iyo kuwa Danyarta ah Ee ku dhaqan Jubaland garab Baaxad leh u heli lahaayeen xilli kasta Oo ay ku timaado isbadalada Dabiici ah ee cimilada sida Fatahaad ama Abaar.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: mole@jubalandstate.so
Previous KORMEER SHAQO OO KU SAABSAN MASHRUUCA ( SEPOW)

Leave Your Comment