
Agaasiamaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabbi, oo qayb ka ah waqfdi ka socda Hey’adaha kala duwan ee Dowladda Jubbaland, ayaa aqoon is waydaarsi ku saabsan Nidaamka Kor u qaadista Nolosha Danyarta Ee loo soo Gaabiyo ( UPG ) ayaa u joogta caasimadda Bangladesh ee Dhaka.
Safarka waftigaan oo ka kooban Agaasimayaal guud, heyβdda Barakaca iyo Qoxootiga, Guddoomiye kuxigeenka Degmada Kismaayo iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka, ayaa ku saabsan nidaamka saboolnimo ka saarka (UPG) ee ay hindistay Hey’adda (BRAC) xarunteeduna tahay Bangladesh.
Nidaamkan oo haysta aqoonsi caalami ah lagana hirgaliyay in ka badan 50 wadan ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo qoysaska ay haysato xaalad Faqri-nimo.
Safarka waftigaan ayaa qayb ka ah mashruuca (SEPOW) oo ah tijaabadii u horaysay ee hirgalinta (UPG) guud ahaan Soomaaliya isla markaana Jubbaland si tijaaba ah looga bilaabay, waxayna waftigu daraasad ahaan ku soo indha indheeyeen gooba badan oo laga fuliyay nidaamkaan dalka Bangladesh oo ah mesha ay ka curatay Hal-abuurkan.
ππππππππ
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Email: mole@jubalandstate.so