TABABARKA KA HORTAGA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland, ayaa qabatay tababar ku saabsan Maaraynta Halista Musiibooyinka Ee loo Soo gaabiyo community disaster Risky Management( CDRM ).
Agaasimaha waaxda Ilaalinta Bulshada oo ah kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Bishaar, Oo daahfuray tababarka, ayaa uga mahadceliyay INSIGHT iyo WFP Oo gacan ka gaystay qabsoomidda Tababarka.
Wasaaradda oo gudanaysa waajibkeeda ku aadan ilaalinta Badqabka Bulshada iyo sidii looga jawaabi lahaa halista ka dhalan karta musiibooyinka ayaa xooga saartay sidii loo heli lahaa hanaan looga hortagi karo dhibaatooyinka ku dhici kara Bulshada ku dhaqan Jubbaland.
Tababarkan oo socon doona 3 maalin ayaa lagu qaadan doonaa aqoon lagu daray xirfad wax ku ool ah.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: mole@jubalandstate.so
Previous WASIIR KU XIGEENKA OO SOO XIRAY TABABAR

Leave Your Comment