AGAASIME RAABI OO QAABILAY MADAXA MASHRUUCA BAXNAANO

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi, ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminayso Maareeyaha Barnaamijka BAXNAANO, Marwo Fardowsa.
Ujeeddada safarka wafdiga ayaa ah in ay kulan la yeeshaan hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubaland, si looga wada hadlo sidii looga hirgelin lahaa Barnaamijka BAXNAANO gudaha Jubaland.
Inta ay Kismaayo joogaan, wafdigu waxay sidoo kale booqan doonaan xarumaha TVET si ay u qiimeeyaan fursadaha tababarka iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.
Barnaamijka BAXNAANO wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa dhalinyarada, iyadoo qorshuhu yahay in 10,000 oo dhalinyaro ah la siiyo tababbarro xirfadeed, lana abuuro fursado shaqo iyo nolol-maalmeed waara.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.
Website: molsajl.so
Facebook: Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Jubaland
Email: mole@jubalandstate.so
Previous Agaasimaha MoLSA Abdi Abdullahi Raabi oo soo dhaweyyay Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Switzerland

Leave Your Comment